Sign in to follow this  
Deeq A.

Al Shabaab oo warar dheeraad ah kasoo saaray weerarkii Maka Al Mukarama

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Al Shabaab oo sheegtay masuuliyadda weerar Qaraxa ahaa ee xalay ka dhacay Muqdisho ayaa sheegay in saaka waaberigii ay ka dagaalamayeen dhismaha Hotel Maka Al Mukarama, balse dadka goobjoogayaasha ayaa sheegaya in dagaal uusan jirin ilaa iyo hadda.

Waxay sheegeen in hotelka dhexdiisa ay ku dileen seddex kamid ah ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwo ay tababareen ciidamada Mareykanka ee kusugan gudaha dalka, sida qoraalka lagu sheegay.

Sidoo kale waxaa AlShabaab ay sheegeen in ilaa iyo xalay ay ka badbaadeen kooxda dhismaha ku jirta ku dhawaad lix isku day oo ciidamada dowladda ay doonayeen inay Al Shabaab kaga saaraan goobta ay ku jireen.

Qoraalka Al Shabaab ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa sidoo kale lagu sheegay in isku dayga ciidamada ay qeyb ka ahaayeen kuwo ajaaniib ah “Cadaan” kuwaasi oo doonayay inay la dagaalamaan Al Shabaab.

Sidoo kale waxay sheegeen in ciidamada ka tirsan Al Shabaab ay qolasha VIP-da loo yaqaan ku dileen saraakiil ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Al Shabaab ayaa sheegay in dhagxaanta lagu xiray waddooyin badan oo Muqdisho kamid ah iyo awooda ciidamada Maletari ee isbaheysanaya ay joojin kari waayeen weerarada ay ka fuliyaan gudaha Muqdisho, sida lagu daabacay website-ka lagu faafiyo wararka Al Shabaab.

Ilaa iyo hadda si dhab ah looma oga khasaaraha balse gaadiidka gurmadka deg dega ayaa sheegaya inay goobta ka qaadeen ku dhawaad 60 ruux oo meyd iyo dhaawacyo ka kooban.

La soco waxii kasoo kordhaa Insha allah

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this