Sign in to follow this  
Deeq A.

Dhimashada iyo dhaawaca qaraxyada oo sii kordhay iyo wararkii u dambeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararkii ugu dambeeyey khasaaraha qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho ee soo baxaya, ayaa sheegaya in dhimashada iyo dhaawacaba ay kordheen.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah xaqiijiyay in dhimashada ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Khasaaraha ayaa la rumeysan yahay inuu ka badnaan karo intaas, waxaana weli isa soo taraya wararka la xiriira khasaaraha.

Qaraxyada ka dhacay waddada Maka Al-Mukarama ayaa ahaa laba qarax oo ay u dhaxeysay ugu yaraan saacad iyo bar, waxaana sidoo kale jira rasaas xooggan iyo weerar ay qaadeen koox Shabaab ah.

Dadka ugu badan ee waxyeelado soo gaartay oo Shacab maraayay wadada kuwaasoo Qaarkood ay Saarnaayeen Gaadiidka Dadweynaha.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this