Sign in to follow this  
Deeq A.

Shabaab oo faah-faahisay qaabkii ay u fulisay qaraxyadii iyo weerarkii caawa

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa war kasoo saartay qaraxyo iyo weerar ay maleeshiyadeeda la beegsadeen hoteello iyo goobo ku yaalla wada Maka Al-Mukarama.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in kooxda weerarka qaadday oo aad u hubeysnaa ay beegsadeen Hotelka Maka Al-Mukarama oo ka mid ah Hoteellada ugu caansan ee magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab waxay sheegtay in hoteelka ay degan yihiin saraakiil ka tirsan dowladda federaalka.

Al-Shabaab ayaa sheegtay in dagaal-yahanadeeda ay weerarkan billaabeen is-miidaamin baabuur lagu dhuftay albaabka hore ee Hotelka, kadibna ay xigtay weerar toos ah oo dagaalyahanno aad u hubeysan ay ku qaadeen Hotelka.

Sarkaal ka tirsan Al-Shabaab ayaa sheegay in dagaalyahanada Shabaab ay galeen oo ay si buuxda ula wareegeen Hotelka, ayna halkaas ka wadaan dagaal ay kula jiraan ciidamada dowladda.

Saraaakiisha ammaanka iyo kooxaha gurmadka degdeg ah ayaa xaqiijiyay in ila hadda dhimashada weerarkan ay hadda mareyso ugu yaraan 15 qof, halka dhaawaca uu yahay 40 qof.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this