Sign in to follow this  
Deeq A.

Mudane Madaxweyne Khudbad Qodobaysan Bulshadaada Usoo Bandhig W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shiine

Recommended Posts

Deeq A.   

Markasta oo uu madaxweyne khudbadda jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu madaxweynuhu khudbadd qodobaysan ujeediyo bulshadda iyadoo qodobadaas uu soo diyaarinsanyo oo warqad ku soo qoranayo si aan khudbadii uga noqon kaftan,maddaalo ama waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markaya ahayd 09/12/2018 Mar uu madxweynuhu booqday cisbitaalka guud ee magaalada hargiesa isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi taasina maaha haykala madaxweyne ama haykal dawladdnimo.

5591B882-6B53-4DCB-9BF7-E907DE4EFB36.png

Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay iskugu soo urureen dadweyne aad ubaddan oo ku soo dhaweeyay magaalada Boorama waxa uu ka jeediyay

khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda bariga oo kuu amaanyo goboladda galbeedka Somaliland isagoo madaxweynuhu labadaba uu isagu madaxweyne uyahay oo labadaba waa bari iyo galbeed bee laga soo doortay.
Hadaba markaynu usoo daadagno dulucda maqaalkeena waxaanu madxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu soo gudbinaynaa in marka uu khudbadd jeedinayo uu isticmaalo haykalaka madaxweynenimo isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda ujeedinayo si aan cidina udhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo.

W/Q Cabdiraxiim Cabdilaahi shine

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this