Sign in to follow this  
Deeq A.

Abwaanada Reer Somaliland Yey Ilduufine Waa Inay Madaxweynaha Kuhoreeyaan Intaanay Shacabka U Tegin.

Recommended Posts

Deeq A.   

Dhibaatada reer Somaliland ugu waaweyn ee dalka Ka taagan markaana WAXAY Ka soo fushaa kolba Xukuumaddii joogta oo mar walba wax Dan gaara KU fooggan oon Ka turjumayn baahiyihii jiray ee ay macaluusha iyo biyo laaanta, qabyaaladda , kootooyinka, reer isku xeerka, foolxumooyinka maamul dhan iyo beenta shacabka Xukuumaddii mar walba u sheegayso ay soo cel celinayso Barnaamijkii la lahaa waa lagu shaqaynayaa oo la Iska tuurayo, distoorkii in badan Xukuumaddii jebiyeen oo sidii loo sii wadayo SIDA Guurtida dhaxaltooyada laga dhigay DOORASHO Ka waqtigiisii dhaafaa waxaa soo dhan kana yimaaddaann xagga SHACABKA iyo boqolaal Qaxii kale oo WADANKU dhabarka kaga jabay WAXAY Ka soo fulaan xagga.

4221C72F-CEA8-4E9E-8907-861EEB8C14AE.png

Xukuumadda waxaan imika la dirayaa ama isdiray Abwaaniin yidhi waxaan u tegaynaa gobolada dalka si Shacabka Kala qaybsan xagga u sinaanta Dawlad iyo Xukuumadaba si aan isugu keenno oo u midayno. Waa Arin guud oo odhaahda iyo Gogol dhig ayaan muuqanayaan wacan laakiin Haddaad xagga aasaaska iyo sida xaqiiqada wadanka wax u jiraan aan laga soo bilaabin Wuxuu noqonayaa odoyaal iska minjo baxsaday midhana Ka dhalanmaayaan. Waayo runtii DADKA reer Somaliland ma qaybsana ee waxaa qaybsan DADKA siyaasadda Somaliland hogaamiya . Markaana odayadu intaanay KU horayn shacabka aan waxba isu qabin waa Inay Xukuumadda iyo Madaxweynaha KU horeeeyaan oo qodobada soo socda ee wadanka Ka Jira ee la isku hayo Kala soo hadlaan Madaxweynaha oo goaankiisa Madaxweynaha sitaan haddii kale Abwaanadu CUDURKA FARDAHA KU DHACAY(SIYAASIINTA)AYEY DAMEEERAHA KA GUBAYAAN.
1- Dawlad iyo Xukuumad Saamiqaybsi Caddaaladda u dhaw uu Ka Jira waa in la helaa.
2- Doorashooyin xalaala oo lagu wada kalsoonyey Xisbiyadu waa in la helaa oon kushubasho lahayn.
3- Komishan Madaxbanaan oo Dad aan Xukuumadi u yeedhinayn oo seddexda Xusbi si is leeg ugu jiraan waa in la helaa.
4- dad kootooyinka loo xidhaa waa in la Xaaraantimeeyaa.
5- gobolada dalka iyo shaqaalaha iyo adeegyada waa in si lagu kalsoonyey oo ISU dheelli tiran waa in la helaa.
6- waa in dadweynuhu markaa Cashuurta boqolokiiba sagaashan ay bixiyaan.
7- iyo wixii la mida
Abwaanadu way ogyihiin in DADKA reer Somaliland Inay siday YAHUUDDU Gidaarka Madaxa ula DHACAAN Inay iyaguna qabyaaladda Caabudaan laakiin shacabku hadday Madaxweyne Wacan helaan oon Kala qaybqaybinayn iyagu way hagaagayaan ee Abwaanadu waa inaanay ilduufin ee waa Inay Madaxweynuhu hadduu u qabsoomo shacabku reer Somaliland way qabsoomo.

Sh. Mohamed Bashe
qoranebashe@gmail.com

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this