Sign in to follow this  
Deeq A.

Raysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed Oo Sameynaya Casho Sharaf Ay Shuruud Ku Xidhan Tahay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Addis Ababa)-Ra’iisul waasaraha dalka Itoobiya Dr. Abiy Axmed ayaa waxa uu qabanayaa casuumaad casha sharaf ah oo looga golleeyahay in lagu aruuriyo lacag gaadhaysa ilaa 1 bilyan oo doollar, taasoo lagu samaynayo mashruucyo dhanka dhismaha waddooyinka ah.

105830221_gettyimages-1085828380-594x594

Saraakiisha ayaa sheegay in tikidhada casuumaadda lagu iibsan doono lacag ka badan 175,000 oo doollar, balse weli lagama bixinin faahfaahin dheeraad ah.

Waxaa la rajaynayaa in arrintan uu soo jiidan doonto maalgaliyeyaal ajanabi ah oo dhaqaale faro badan bixin kara.

Waxaa la shaaciyey muuqaal uu ra’iisul wasaaraha ku qeexayay qorsheyaashiisa ku aaddan dhanka horumarinta.

Ra’iisulwasaare Abiy, waxaa uu iibiyey saacaddiisa oo uu qiimaheeda ahaa 175,000 oo doolar, xilli lacag loo aruurinayey mashruuc lagu dhisayo wado 100 km ah oo ku taala koonfurta caasimadda Addisababa.

Waa kuma Abiy Axmed?
Abiy, ayaa awoodda dalka qabtay ka dib muddo 3 sanno ah oo ay socdeen dibadbaxyo ay hoggmaaminyeen qowmiyadda Oromo.

Ra’iisulwasaarah oo ka soo jeeda qowmiyaddan, ayaa isku dayey inuu horseedo isbadello badan, isagoo heshiis nabadeed la sixiixday dalka dariskooda ah ee Eretariya.

Isbadelladan ayaa soo jiitay malaayiin maalgashadeyaal ah, gaar ahaan kuwa kasoo jeeda gobolka bariga dhexe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this