Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Ee Sacuudiga Oo Ku Waajahan Dalka Pakistan, Farriinna Ka Wada Dhaxal-Sugaha.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Riyadh)-Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Sacuudiga, Caadil Al-jubeyr ayaa la filayaa inuu maanta booqasho ku tago caasimadda dalka Pakistan ee Islamabaad, xiilli ay sii kordhayso xiisadda colaadeed ee ka dhex aloosan dalalka Pakistan iyo Hindiya.

salman.jpg

Wasiirka ayaa la sheegay in Farriin Khaas ah oo uu ka wado Dhaxal-sugaha Sacuudiga, Maxamed Bin Salamaan gaadhsiin doono Ra’isul-wasaaraha Pakistan, Imraan Khaasn.

Dhinaca kale, Wasiirka Arrimaha Dibedda ee dalka Pakistan, Shaah Maxamuud Qureyshi oo isagana maanta ka hadlay Telefishinka Geo TV ayaa sheegay inay Dowladda Pakistan isku diyaarinayaan sidii dib loogu celin lahaa Duuliyihii u dhashay dalka Hindiya ee shalay Diyaaradiisa Dagaalka ay Ciiddanka Cirka ee Pakistan soo rideen.

Wasiirka waxa uu sheegay inay Duuliyihii ku celin doonaan dalkiisa, haddii ay taasi horseedayso in laga badbaado dagaal kale.

Sidoo kale, Wasiirka waxa uu tilmaamay inuu Ra’isul-wasaare Cimraan Khaan uu diyaar u yahay inuu dhigiisa dalka Hindiya, Narendara Moodi khadka Telefoonka kula hadlo, si looga wada shaqeeyo Nabadda.

Wararka kale ee Dagaalka Pakistan iyo Hindiyo ku saabsan waxay sheegayaan inay Labada Ciiddan saaka muddo kooban isku rasaaseeyeen xuduudka Gobalka lagu murunsan yahay ee Kashmiir, hal maalin kadib, markii ay Labada dowladood ee haysta Hubka Nukliyeerka iska soo rideen Diyaarado Dagaal.

Dowladaha Maraykanka, Shiinaha iyo kuwa kale ee ugu awoodda badan Caalamka waxay ku booriyeen Dowladaha Pakistan iyo Hindiya inay is-xakameeyeen.

Xiisadda Colaadeed ee labadaasi waddan ayaa sare u kacday, kadib, markii ay Diyaaradaha Dagaalka Hindiya duqeyn ka geysteen gudaha Pakistan.

Duqeyntaasi ayaa u muuqatay mid ay Hindiya kaga celinaysay Is-qarxintii bishan 14-dii ka dhacday Gobalka Jaamu-Kashmiir, laguna dilay ugu yaraan 40 Askari oo Hindi ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this