Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Qarax culus oo caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Qarax aad u xoogan ayaa caawa waxa uu ka dhacay magaalada caasiamda ah ee Muqdisho.

Warar horudhac ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa uu ka dhacay meel ku dhow Hotel Maka Al-Mukarama ee u dhaxeysa Isgoysyada Dabka iyo Shaqaalaha.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa la sheegayaa in uu ka dhashay qaraxa, wallow aan la cami karin sababo ku aadan xiliga oo habeen ah awgeed.

Gaadiidka gurmadka deg dega ayaa kusii qul-qulaya halka uu qaraxu ka dhacay si ay u soo daabulaan dadka wax ku noqday weerarkaasi.

Wixii soo kordha kala soco halkaan radioshabelle.com

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this