Deeq A. Posted February 28, 2019 Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxii caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho. Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa laga soo wariyey agagaarka Hotel-ka Hilaac oo ku dhegan Hotel Maka Al Mukarama. Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey weerarka lagu dilay 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan. Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hotel Maka Al Mukarama. Illaa iyo haatan laamaha amaanka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin falkaan. Hoos ka daawo sawiradda qaraxa View the full article Share this post Link to post Share on other sites