Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaraha qaraxii caawa ka dhacay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa qaraxii caawa ka dhacay magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Qaraxa oo ka dhashay gaari walxaha qarxa lagu soo rakibay ayaa laga soo wariyey agagaarka Hotel-ka Hilaac oo ku dhegan Hotel Maka Al Mukarama.

Saraakiisha caafimaadka ayaa xaqiijiyey weerarka lagu dilay 5 ruux, ayna ku dhaawacmeen tiro kale oo intaas ka badan.

Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyada qaraxa ayaa tilmaamtay in bartilmaameedkoodu uu ahaa Hotel Maka Al Mukarama.

Illaa iyo haatan laamaha amaanka ee dowlada federaalka ah ee Soomaaliya kama aysan hadlin falkaan.

Hoos ka daawo sawiradda qaraxa

D0g3dAiW0AIkC7_.jpg

D0g3drrXcAEcKHM.jpg

D0g3ehhWoAIYKYx.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this