Sign in to follow this  
Deeq A.

FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu qaaday Hoteel ku Yaala Wadada Maka Al-Mukarama, Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (PP) ─ Wararka hor-dhac ah ayaa sheegaya in shan qof ay ku dhinteen, tiro intaas ka badanna ay ku dhaawacmeen qarax culus oo caawa lagu weeraray Hoteel lagu magacaabo Hilaal UK oo ku yaalla waddada Maka Al-Mukarama ee Muqdisho, iyadoo goobta uu qaraxaani ka dhacay weli laga maqlayo rasaas dhacaysa.

Qaraxan oo ahaa mid aad u xooggan oo laga maqlay inta badan Muqdisho ayaa wuxuu ka mid noqonayaa qaraxyadii ugu waaweynaa ee caasimadda Somalia ka dhaca, waxaana burburay dhismayaal u dhaw halka uu qaraxu ka dhacay.

Sidoo kale, wararka ayaa waxay sheegyaan in sidoo kale kooxo hubeysna oo daba socday qaraxa uu saameyn ku yeeshay Hoteelka Maka Al-mukarama oo aan ku dhaw hoteelka la weeraray, iyadoo dad badan ay ku xayiran yihiin labada hoteel ee dariska ah.

Goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa waxaa ku sugnaa dad aad u fara badan, iyadoo caawa ay ahayd habeen Jimco ah oo dadka inta badan ay magaalada u soo baxaan, waxaana agagaarka hotel Maka Al-Mukarama inta badan la dhigtaa gaadiidka.

Dhanka kale, Goobjoogayaal la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in gaadiid badan oo goobta yaallay iyo dhismayaal ganacsi ay gubanayaan, waxaana goobta gaaray gaadiidka gurmadka deg-degga ah iyo ciidamada ammaaka Dowladda Somalia.

Qaraxyada noocan oo kale ah ee ka dhaca Muqdisho ayaa intooda badan mas’uulyadooda sheegata Al-shabaab, iyadoo qaraxan uu ma mid yahay kuwii ugu cuslaa ee ka dhaca Muqdisho.

Ugu dambeyn, Hay’adaha Amniga Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin qaraxa iyo weerarka daba socday ee caawa ka dhacay Maka Al-Mukarama oo ah waddo aad u mashquul badan, iyadoo weerarkan uu imaanayo iyadoo ay maanta ciidamada Dowladda Somalia la wareegeen saldhig muhiim ahaa oo ay ka guureen ciidamada AMISOM.

Wixii kusoo kordha weerarkan, waxaad kala socon doontaan Puntland Post

PUNTLAND POST

The post FAAHFAAHIN: Weerarkii lagu qaaday Hoteel ku Yaala Wadada Maka Al-Mukarama, Muqdisho appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this