Sign in to follow this  
Deeq A.

A/Madoobe oo soo saaray amaro ka dhan ah olalaha doorashooyinka Jubaland

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (Caasimada Online) – Maamulka Jubbaland ayaa amaro cusub kasoo saaray olalaha doorashada dhawaan ka dhaceyso magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose oo lagu soo dooranayo hogaanka maamulkaasi.

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa shir guddoomiyay kulan gaar ahaa oo golaha wasiirada ay ku yeesheen magaalada Kismaayo, kaasi oo looga hadlayay amaanka iyo arimo kale.

Kulanka waxaa maanta ka qeyb galay saraakiisha ciidamada amaanka ee Jubbaland iyadoo warbixino laga dhageystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulka Jubbaland.

Kulanka ayaa lagu shaaciyay in golaha wasiirada Jubbaland ay isku raaceen in dhamaan ciidamada iyo saraakiisha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb galin olalaha doorashada iyo arimaha siyaada maamulkaasi inta lagu gudo jiro arimaha doorashooyinka Jubbaland.

Sidoo kale golaha maamulka Jubbaland ayaa isku raacay in dhamaan shaqaalaha maamulka Jubbaland aysan ka qeyb qaadan karin olalaha doorashada, iyadoo la shaaciyay in qofkii lagu helaa arintaasi talaabo laga qaadi doono.

Wasaaradaha warbixinada laga dhageystay waxaa kamid ah wasaarada arimaha gudaha Jubbaland, waxaana Wasaarada ay  ka dayrisay qaar kamid ah deegaanada Jubbaland oo ay ka jirto dhibaatooyinka ka dhashay Abaaraha iyo nafaqa daro taas oo ay Wasaaradu u gudbisay dhinacyada ku shaqada leh si wax looga qabto isla markana meelaha qaar loo diray gudiyo soo qiimeeya inta ay baahidu la egtahay.

Amarkaan ayaa u muuqday mid ka dhashay safarkii dhawaan magaalada Kismaayo ay ku tageen musharax madaxweyne C/naasir Seeraar iyo xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo baarlamaanka Soomaaliya ka mid ah.

Caasimada Online
Xafiiska Jubbaland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this