Deeq A. Posted February 28, 2019 Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xoogan oo caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo dhawaaqiisa aad looga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir. Waxaa adag in la helo xogta dhabta ah ee Qaraxa caawa ka dhacay magaalada Muqdisho. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa Gaari laga buuxiyay waxyaabaha qarxa oo ka yimid dhanka Dabka kuna sii jeeday KM4, balse ku qarxay agagaarka hotelka Maka Al Mukarama. Dadka ugu badan ayaa lagu waramayaa inay ku dhinteen maqaayada Hillaac UK oo ku dhow Maka Al Mukarama, maadaama gaariga la sheegay in goobta uu ku qarxay. Dad badan ayaa ku xayiran dhismayaasha qaar, waxaana lagu waramayaa in laga baqayo in dhismaha uu ku dumay. Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in goobta ay aad mashquul u aheyd marka qaraxa uu dhacayay, waxaana saf dheer ku jiray gaadiidka dadweynaha iyo kuwa gaarka loo leeyahay, maadaama ay baaritaano wadeen ciidamada amaanka. La soco waxii kusoo kordhaa Insha alah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimaadA@live.com Share this post Link to post Share on other sites