Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu u dhacay qaraxii xooganaa ee ka dhacay magaalada Muqdisho (Sawirro)

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxii caawa ka dhacay magaalada Muqdisho, kaasi oo ahaa midkii ugu xooganaa ee bilooyinkii ugu dambeeyay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wararka Caasimada Online heleyso ayaa sheegaya in qaraxa uu dhacay kadib markii gaariga qarxay iyo ruuxii waday ay soo gaareen goob lagu baarayay gaadiidka oo u dhow Saldhiga degmada Waaberi oo saaran wadada Maka Al Mukarama.

Wararka kale ee aan heleyno ayaa sheegaya in gaariga ay eryanayeen ciidamada amaanka, waxaana markaasi ruux rayid ahaa lagu dilay dalcada xaafadda Taleex ee degmada Hodon, waxaana kadib la sheegay inuu goobta ku qarxay gaariga.

Gaari labaad ayaa yaala goobta qaraxa xoogan uu ka dhacay uu ka dhacay caawa, waxaana gaadiidka dadweynaha loo diiday inay goobta dhaawacyada ka qaadaan, maadaama shaki kale uu jiro.

Dad badan ayaa ku go’doonsan dhismayaal goobta ku yaala, waxaana dadka waxyeelada ugu badan ay kasoo gaartay dhismayasha oo qaarkood la sheegay inay ku dumeen.

Marka qaraxa uu dhacayay aad ayay mashquul ua heyd goobta, waxaana socday baaritaanka gaadiidka doonaya inay u gudbaan dhanka Dabka.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

53084566_2157095884379806_45997012214255 igaan.jpg qarax-1.jpg qarax-2-1.jpg qarax-3-1.jpg qarax-4.jpg

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this