Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Nooca gaarigii qarxay iyo qorshe yaab leh oo Shabaabka ay rabeen

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ilo-wareedyo amni ayaa shaaca ka qaaday nooca gaarigii caawa ku qarxay agagaarka hotelka Maka A-Mukarama ee magaalada Muqdisho.

Gaariga qarxay ayaa la sheegay inuu ahaa nocoa xamuulka islamarkaana ay saarnaayeen dhowr fuusto oo ay ka buuxaan waxyaabaha qarxa, sida ilo amni ay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Ujeedada kooxda Al-Shabaab oo qaraxa fulisay ayaa la sheegay inay ahayd inay sameeyaan burburka ugu xooggan oo ay awoodaan, maadaama goobta ay ku yaallaan hotello badan.

Shabaabka ayaa la sheegay in qorshahoodu ahaa in marka qaraxa uu dhaco, aaladaha qarxa ay kasoo buuxiyeen fuustooyinka ay ku firxadaan waddada iyo dhismooyinka, si khasaraha ugu xooggan oo ay awoodaan ay u gaystaan.

Waxaa illaa iyo hadda lasoo werinayaa inuu jiro burbur aad u xooggan oo ka muuqda goobta qaraxa uu ka dhacay iyo dhismooyinka ka ag dhow. Waxaa sidoo kale jira dhimasho iyo dhaawac badan, inkasta oo weli aan la hayn tiro rasmi ah.

D0g2KlOXQAEbM1B.jpg D0g2KlLWwAE3NTn.jpg D0g2KlMXcAE50Z-.jpg D0g2KlOWwAAb0tU.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this