Deeq A. Posted February 28, 2019 Muqdisho (SNM) – Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee Booqashada shaqo ku joogay magaaladda Doha ee dalka Qatar ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweynaha JFS ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar waxa uu kulan la qaatay Amiirka dalkaasi Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani. Farmaajo iyo Amiirka ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Qatar iyo danaha ay wadaagaan, si loo helo iskaashi wax ku ool ah oo labada dhinacba faa’ido u leh. Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Amiirka Qatar, ayaa waxyaabaha ka soo baxay waxaa ka mid ah in dowladda Qatar ay miisaaniyadda Soomaaliya ee sanadkan 2019 ku taageerto 73 Milyan oo Riyaal oo u dhiganta 20 Milyan oo Doollar. Dowladda Qatar ayaa Soomaaliya ka fulineysa mashaariic horumarineed iyo kuwo bai’aadminimo. View the full article Share this post Link to post Share on other sites