Sign in to follow this  
Deeq A.

Axmed Madoobe oo gudoomiyey shirka Gollaha Wasiirada JL

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Madaxwaynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta gudoomiyay kulanka golaha wasiirada maamulkaasi.

Kulanka oo warbixino looga dhagaystay qaar kamid ah wasaaradaha maamulkaasi ayaa waxaa kasoo ka qayb galay Saraakiisha Ciidamada iyo guddiga shaqada iyo shaqaalaha.

Ugu horeyn, waxaa golahu uu isku raacay in dhamaan Ciidamada dowlada aysan ku lug yeelan howlaha la xiriira doorashooyinka iyo bandhigyada siyaasadeed.

Taliyayaasha ayaa la faray in dhamaan ciidamada ay ku shaqeeyaan awaamiirta sarakiisha iyo amarada Dowlada oo aysan marna ka qayb gali karin bandhig Siyaasadeed ama olole doorasho midna.

Golahu wuxuu isku raacay in shaqaalaha dowlada aysan ka qayb gali karin ololaha doorashooyinka isla markana cidii lagu helo laga qaadi doono talaabo sharci ah.

Jubbaland ayaa isku diyaarineysa doorashada madaxtinimada, taasi oo la filayo in ay qabsoonto bisha Agoosto ee sanadkaan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this