Sign in to follow this  
Deeq A.

Guuleed oo laba qodob ku dhaliilay xukunkii kiiska kufsiga gabadha 14 jirka ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook uga hadlay go’aan maxkamad ku taalla Guriceel ay ka gaartay kiiska kufsi loo gaystay gabar 14 jir ah.

Hoos ka aqri qoraalka Guuleed ee Facebook:-

ARIN MUDAN DIB U EEGID

Anigoo ixtiraam iyo qadarin weynba u haya maxkamadda iyo culumada garsoorayaalka ah ee degmada Guraceel, taaso gashay kiiska gabadha yar ee 14ka jirka ah, ee kufsi wadareedka ay geysteen eedaysanayaasha afarta ah, ka dibna falkaas foosha xun leh muuqaal ahaan oga duubeen, waxaan oran lahaa markii si qoto dheer leh loo daawado muuqaalkii maxkamadda iyo qaabka culumadu garsoorayaalka ah ay xukunka u qaadeen una rideen, ka soo baxaya dhaliilo, dulduleelo iyo arimo aan is dabooli karin, arimahaa waxaa ka mid ah:

1. Gabadha da,deeda, qaabka loo soo waday ee goobta lagu keenay, tirada dadka falka geystay iyo waliba muuqaalka la duubay waxay culumada aheyd inay u muujiso in falkaas uu ahaa mid xoog iyo kufsi ah.

2. Sida muuqaalka maxkamadda iyo kan gabadhaba laga duubayba ay na tusayaan falku waxuu ahaa mid xoog, waayo qiraalka eedaysanayaalka qaar ee maxkamadda horteeda waxaa ku jiray:

A. Mid qirtay in markii muuqaalka gabadha laga duubayey qoorta uu hayey, haddaba ma gabar raali ah ayaa xoog qoorta looga qaban lahaa.

B. Mid kaloo qirtay inuu gabadha u soo qaatay Bur ama Garuun deetana ay gabadhii qeylisay, sidoo kale ma fal la isaga raali yahay ayaa bur iyo qeylo soo gashaa.

Haddaba anigo sidaan horay u sheegayba qadarin u haya maxkamadda, haddana waxaan qabaa in qaabka uu xukunkaas u dhacay uusan ahayn mid dadka qancin kara, uuna mudan yahay in dib u eegid lagu sameeyo.

Sidaa daraadeed waxaana maxkamadaha kala sareeya ee dowladda gobaleedka Galmudug ka codsan lahaa, una soo jeedin lahaa, inay dib u eegid iyo dib u galis ku sameeyan kiiskaas fuusha xun, ee loo geystay gabadhaa yar, ee waliba ka soo jeedda dadka laga tirada badan yahay ee ku nool deegaamada dowladda Galmudug.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this