Deeq A. Posted February 28, 2019 Magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug waxaa maanta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta ee Puntland, kuwaasi oo ka yimid deegaanka Tukaraq oo ay maalmahan ku sugnaayeen. Saraakiisha hoggaamineysa ciidamadan ayaa u sheegay warbaahinta in sababta ay u yimaadeen magaalada Gaalkacyo ay tahay sugista amniga iyo iney soo qabtaan dadkii kufsaday, kadibna dilay gabar yar oo 12-sano jir ahayd. Howlgalka ay ciidanku bilaabayaan ayaa loogu magac daray Caa’isha maxay galabsatay, iyadoo saraakiisha ay sheegeen iney degdeg ku qaban doonaan cid walbo oo falkaasi ka dambeysay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2019/02/Saraakiisha-Ciidanka-Daraawiishta-Puntland-oo-sheegay-in-Galakcyo-ay-ka-Bilaabi-Donan-Howgalo-Lagu-Xaqijinaayo-Amaanka-Magaalada-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites