Sign in to follow this  
Deeq A.

Samafalayaal Lagu Afduubtay Gobolka Gedo

Recommended Posts

Deeq A.   

Gedo (SMN)- Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo ayaa ku waramaya in saacadihii la soo dhaafay shaqaala u shaqeynayay ha’yada Gawda lagu afduubtay deegaan hoos taga gobolkaasi.

Shaqaalahan oo tiradooda lagu sheegay 7 ruux ayaa lagu soo waramayaa in lagu hayo deegaanka Ceelcade ee ka tirsan gobolkaasi Gedo,waxaana wararku ay tilmaamayaan in dadkaasi ay afduubteen Al-shabaab.

Odayaal dhaqameed iyo wax garad ku sugan gobolka Gedo ayaa wada waan waan lagu doonayo in xoriyadooda aya dib u helaan shaqaalahaasi ka tirsan ha’yada samafalkaeee  Gawda.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegaya in Odayaasha ay rajo wanaagsan ka qabaan in shaqaalahaasi lagu soo daayo madax furasho,si ay u gutaan howlaha samafalka ay ka wadeen deegaano ka tirsan gobolka Gedo.

Ma ahan markii ugu horeysay oo shaqaala samafal lagu afduubto qeybo kamid ah koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

 

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this