Sign in to follow this  
Deeq A.

Howgal Ka Dhan Ah Kufsi Ka Dhacay Gaalkacy Oo Ka Bilawday Magaaladaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaalkacyo (smn)- Howlgal ka bilaaban doona magalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa Waxaa loogu Magacdaray Caa,isho Maxay Galabsatay oo Loo Dilay.

Ciidamo hubaysan oo katirsan kuwa loo yaqaan daraawiishta ee maamulka Puntland ayaa maanta gaarey magalada Galkacyo iyagoo kasoo ruqaansaday xero ciidan oo ku taalla duleedka magalada Garowe.

Taliyaha daraawiishta Puntland Cabdi Shukri iyo taliye Ku xigeenka booliska Puntland Col Cismaan Afdalow ayaa hogaaminaya ciidamadasi waxayna bilaabi doonan saacadaha soo socda howlgalo lagu soo qabanayo ragii ka danbeeyay dilkii foosha xumaa ee Caa,isho Ilyaas Aadan.

Howlgaladan ayaa sidoo kale la sheegay in lagula diriri doono dhalinayarada falalka anshaxa kasoo horjeeda mararka qaar ka gaysta galkacyo.

Dhanka kale urrurka bulshada rayidka ah ee maamulka Puntland oo loo yaqaano Punsa ayaa maanta ku eedeyay madaxda maamulkasi in laga gaabiyey baaritanada kiiskii gabadha islmarkana ay jiraan kiisas sidaan oo kale ah oo ka dhex dhacay Puntland hase,ahaatee aysan jirin cid wax iska weydiisa.

Gudoomiyaha ururka Bulshada Puntland Feysal qaran ayaa sheegay marka ay wax dhcaan in looga hadlo kaliya baraha bulshada balse uusan jirin ficil dabayaal.

Waqooyiga magalada Galkacyo horaantii Isbuucan waxaa kasoo Ifbaxday dhacdo si weyn looga argagaxay taasoo ahayd Gabar 12jir ah oo la iskugu Daray Kufsi iyo dil naxariis darro ah.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this