Sign in to follow this  
Deeq A.

Booliiska Kenya Oo Dhalinyaro Soomaali Ah Ka Kaxeystay Garissa

Recommended Posts

Deeq A.   

Garissa (SMN)- Ciidamada booliiska ee dalka Kenya ayaa dad shacab ah ka qafaashay deegaano ka tirsan magaalada Garissa ee gobalka Woqooyi Bari.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa warbaahinta u sheegay in booliiska la dagaalanka argagixisada ay dhawaan magaalada Garissa ka kaxaysteen macalin dugsi

Macalinka oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf ayaa la sheegay in ciidamada ay six un ula dhaqmeen markii halkaasi ay ka wadanayeen.

Dadka deegaanka ayaa xusay in ciidamada booliiska ee Kenya ay jir dil,handadaad iyo dhibaatooyin kale u gayteen dadka ku dhaqan deegaanada hoos yimaad magaalada Garissa.

Odayaasha dhaqanka ee magaalada Garissa ayaa sheegay in 12 ruux oo badankood dhalinyaro ah ay dhawaan ciidamada booliiska ka kaxaysteen magaaladaasi, kuwaa oo lagu eedeynayo in ay xiriir la leeyihiin Al-shabaab.

Kadib weerarkii qasaaraha gaystay ee lagu qaaday hotel ku yaala magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa waxaa ciidamada booliiska ay bilaabeen howlgalo ay ku baadi goobayaan rag ka tirsan Al-shabaab oo la’aaminsanyahay in ay ku dhuumaaleysanaya gudaha dalkaasi.

 

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this