Sign in to follow this  
Deeq A.

AMISOM Oo Ka Baxday Kulyadda Jaalle Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( SMN)- Ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah u baneeyay kuliyada tababarka saraakiisha ciidamada xoogga dalka ee Jaalle Siyaad oo ay daganaayeen in ka badan 10 sano.

Munaasabad kooban oo xaruntaasi ka dhacay waxaa ka qeyb galay ra’isulwasaare ku xigeenka xukuumada Soomaaliya, gudoomiyaha gobolka Banaadir  taliyaasha ciidamada Milatariga iyo wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Ambassador Francisco Madeira.

Mas’uuliyiinta dowlada Soomaaliya  ee ka qeyb galay munsaasabada kooban ayaa sheegay in ay muhiimad badan u leedahay ciidanka xooga dalka in ay la wareegaan Kulyada Jaalle Siyaad,isla markaana ay uga faa’ideysan doonaan dhinaca tababarka.

Marka laga soo tago Jaamacada Umadda Soomaaliyeed iyo garoonka kubada cagta ee Muqdisho Stadium,waa xaruntii sadexaad oo ay deganayeen ciidanka AMISOM ay la wareegto dowlada Soomaaliya.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this