Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wasiirrada K/Galbeed Oo Yeeshay Kulankoodii Koowaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (SMN)- Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya, mudane; C/Casiis Xasan Mohamed lafta gareen, ayaa Maanta guddoomiyey shirkii ugu horeeyay ee golaha wasiirrada maamulkaasi.

Shirka ayaa waxaa ka soo qeyb galay dhammaan wasiirrada dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ugu horeyn isu bartay wasiirrada dhawaan la Magacaabay iyo madaxweyne Lafta gareen.

Waxaa inta badan looga hadley shirka, sidii ay xilalka isugu wareejin lahaayeen wasiirrada cusub iyo kuwii hore,iyo sidii loo dardar galin lahaa wax ka qabashada dhibaatooyinka ka Jira degaannada Koonfur galbeed.

Golaha wasiirrada ayaa isla soo qaaday, sida ugu habboon ee loo wajihi karo wax ka qabashada xaaladaha haatan taagan oo ay ay ka mid Yihiin biyo yarida ,amniga, caafimaadka , waxbasharada iyo caddaaladda.

Shalay ayey ahayd markii cod aqlabiyad ah ay ku ansixiyeen xildhibaannada baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya Golaha wasiirrada cusub ee dowlad goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya.

IMG_6864.jpg

IMG_6866.jpg

IMG_6876-1.jpg

IMG_6884.jpg

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this