Deeq A. Posted February 28, 2019 S/Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen Taliyaha guud ee ciidamada Daraawiishta Puntland Sarreeye Gaas Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen ayaa haatan ku dhawaaqay hawlgal ballaaran oo lagu soo celinayo amniga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. Taliyaha iyo cutubyo ka tirsan ciidamada Daraawiishta ee uu hoggaaminayo oo ka yimid degaanka Bixin ee gobolka Sool ayaa saaka gaadhay waqooyiga Gaalkacyo. Sarreeye Gaas Cabdishukri oo shir jaraa’id ku qabtay halkaasi ayaa ku dhawaaqay hawlgal uu ku magacaabay “Caa’isha maxaay galabsatay” oo dib loogu soo celinayo islamarkaana lagu xaqiijinayo amniga degmadaasi. Hawlgalka ayaa loogu magac-daray gabadh 12 jir ahayd oo maalmo ka hor kufsi iyo dil loogu geystay waqooyiga Gaalkacyo xilli ay suuqa adeeg u doontay. Tan iyo horraantii bishan Febraayo waxaa sii xumaaday amniga dhanka waqooyi ee magaalada Gaalkacyo oo kufsi iyo dilal kala duwan ka dhaceen. PUNTLAND POST The post Hawlgal ballaaran oo looga dhawaaqay Gaalkacyo appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites