Deeq A. Posted February 28, 2019 Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska Ciidamada Mareykanka ee Qaarada Africa ayaa warbixin uu soo saaray ku soo bandhigay tirada Shabaab ee lagu dilay duqeymaha bilowga sanadkaan Shabaab ay ka fuliyeen gudaha Soomaaliya. Mareykanka ayaa kordhiyay beegsiga Shabaab ay ku hayaan ee Gobolada dalka Soomaaliya, iyadoo habeenadii la soo dhaafay Mareykanka uu duqeeyay goobo dhawr ah oo Shabaab ay ku sugnaayeen. Gregory Hadfield oo ah Afhayeenka Militariga Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in sanadkan 2019 ka ay in ka badan 200 oo Al-Shabaab ah ku dileen weeraro ka dhaca gobolo ka mid ah Soomaaliya. Wuxuu sheegay weeraradii ugu dambeeyay oo ka dhacay Gobolka Shabellaha hoose inay ku dileen xubno Shabaab ka tirsanaa oo gaaraya 60. Mareykanka ayaa todobaadkii la soo dhaafay hal habeen kaliya afar duqeyn ka fuliyay deegaano ka tirsan Shabellaha hoose gaar ahaan Kuunya Barrow, Awdheegle, Janaale iyo duleedka Qoryooley, dhamaan goobahaasi ayaa lagu duqeeyay Al Shabaab. Weerarada Mareykanka uu qaaday sanadkaan bilowga ah ayaa gaaraya illaa 20 weerar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com Share this post Link to post Share on other sites