Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan Ka Tirsan Barlamaanka Cusub Ee Puntland Oo Shil Gaadhi Ku Geeriyooday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Boosaaso)-Waxaa xalay shil gaadhi ku geeriyooday alle ha u naxariistee Xildhibaan Maxamed Faarax Mire oo ka mid ahaa gollaha barlamaanka maamulka Puntland ee cusub.

162b4.jpg

Shilka gaadhi oo ka dhacay tuulada Xange ee gobolka bari ayaa sidoo kale waxaa ku geeriyooday nin dhalinyaro ah oo lagu magacaabo Maxamed Saalax. Sida ay wararku sheegayaan shilka sababay dhimashada ayaa yimid ka dib markii baabuur xamuul ah uu dusha ka maray baabuurkii uu watay xildhibaanku.

Alle ha u naxariistee xildhibaankan ayaa markii uu shilkaas gelayey kusoo jeedey dhinaca magaalada Bosaso.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this