Sign in to follow this  
Deeq A.

Sweden Oo Xidhay Qof Looga Shakiyay In Uu U Basaasayay Dalka Ruushka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Sweden)-Qof u shaqeeya shirkad Sweden laga leeyahay oo ka shaqaysa tiknoolajiyadda ayaa la xidhay isaga oo looga shakisan yahay in uu u basaasayay Ruushka.

105833403_089ff531-900a-4e25-84e8-4b8c43

Qofkan aan magaciisa la shaacinin ayaa salaasadii laga xidhay magaalada Stockholm, sida ay saraakiishu sheegeen.

Daniel Stenling oo madax ka ah waaxda qaabilsan ka hortagga basaasidda ayaa sheegay in ay rumaysan yihiin in qofka la hayo uu shaqaale u noqday sarkaal basaas ah oo dalka Ruushka u dhashay kaas oo dalka u jooga dublamaasi ahaan.

Warbaahinta Sweden ayaa baahisay muuqaal lagu sheegay qofka laga shakisan yahay oo makhaayad laga sii wado.

Qofka laga shakisan yahay ayaa hayay ” shaqo la yaqaanno in sirdoonka ajaaniibtu ay daneeyaan”, sida lagu sheegay war qoraal ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka, balse faahfaahin lagama sii bixinin.

“Waxaa laga shakisan yahay in fal dambiyeedkan uu soo socday tan iyo sannadkii 2017kii,” ayay intaas ku sii dareen.

Qof goob jooge ah oo warbaahinta Sweden ay soo xigatay ayaa sheegay in booliiska Sweden ee loo yaqaanno Sapo ay galeen makhaayad ka dibna isku hareereeyeen labo ruux oo cuntaynaya.

Warbaahinta Sweden ayaa sheegtay in labada ruuxba la isla xiray balse qofka labaad la sii daayay ka dib markii uu sheegay xasaanad dublamaasiyadeed.

Daniel ayaa sheegay in halista soo wajahday ay tahay middii ugu darnayd muddo sanooyin ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this