Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad Sannad Xadhig Ah Ku Xukuntay Muwaadin Soomaali Ah Oo Isku Dayay Inuu Qaniino Askari.

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Malta)-Maxkamad ku taalla dalka Malta ayaa ku xukuntay Muwaadin Soomaali ah oo dalkaas qaxootinimo ku joogo hal sano oo xadhig ah iyo ganaax dhan labo kun oo Yuro ah kadib markii ay ku heshay dambi ah inuu isku dayay inuu qaniino askari u soo waday saldhigga Booliska.

court.jpg

Cabdiqani Cumar Cabdulaahi oo ka mid ah dhalinyarada tahriibka ku tegey dalka Malta ayaa loo soo gudbiyay ciidamada Booliska inuu rabshad ka dhex wado maqaayad ku taalla Marsalfron dalka Malta, waxayna askartii tagtay baarka ay la kulmeen ninkan dhalinyarada ah iyo nin kale oo khilaaf soo kala dhex galay.

Booliska ayaa ku amray Cabdiqani inuu u raaco saldhigga hase yeeshee Cabdiqani oo xiligaasi aan caadi ahayn oo la sheegay inuu sarkhaansanaa ayaa la dagaalamay ciidamada isagoo la sheegay in uu isku dayay inuu qaniino mid ka mid ah ciidamada.

Sida lagu daabacay wargeyska Malta Today garsoorihii maxkamada dhagaysatay dacwada loo haystay Cabdiqani Cumar Cabdulaahi ayaa ku dhowaaqay go’aanka maxkamad taasoo noqotay hal sano oo xarig ah iyo inuu ganaax dhan 2000 oo Yuro ah.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this