Sign in to follow this  
Deeq A.

Hindiya Oo Ka Dalbatay Pakistan In La Sii Daayo Duuliyiha Diyaaradii La Soo Riday

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Delhi)-Hindiya ayaa ka dalbatay Pakistan inay sii deyso duuliyihii diyaaraddii la soo riday, kaddib markii dowladda Pakistan ay soo bandhigtay muuqaalka duuliyaha la qabtay.

duliye-hindi.jpg

Xiisada u dhaxeysa labada dal ee leh Hubka Nukliyeerka ayaa cirka isku shareeray, waxaana laga cabsi qabaa in xiisadda isu bedesho dagaal.

Diyaaradaha dagaalka Pakistan ayaa soo riday labo ka mid ah diyaaradaha dagaalka Kenya, iyadoo mid ka mid ah diyaaradda Hindiya ay ku dhacday dhulka Pakistan ay maamusho.

Hindiya ayaa sheegtay in la la’yahay mid ka mid ah duuliyeyaasheeda oo lagu magacaabo Abhi Annand, kaasoo mar dambe ka soo muuqday muuqaal ay baahisay Wasaaradda Warfaafinta Pakistan.

Ninkan ayaa laga soo qabtay meel keyn ah, waxaana jirdil u geystay dadweynaha degan Kashmir qeybta Pakistan, hase ahaatee waxaa markii dambe soo badbaadiyay Ciidamada Pakistan oo lagu ammaanay sida ay ula dhaqmeen.

Duuliyahan ayaa ka soo muuqday muuqaal uu wajiga ka xirnaa, balse Wasaaradda Warfaafinta Pakistan ayaa ka saartay muuqaalkaas, waxaana markii dambe la soo bandhigay muuqaal isagoo wajiga furan oo aan wax dhaawac ka muuqan, isla markaana uu shaah cabayay.

Mareykanka iyo dalalka kale ee xulafada la ah ayaa ugu baaqay Hindiya iyo Pakistan inay xiisada dejiyaan oo aanay xaalada uga sii darin.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this