Sign in to follow this  
Deeq A.

Qadar Oo 20 Milyan Oo Doollar Ugu Deeqday Soomaaliya Iyo Somaliland Oo Faro-madhan Ka Taagan Taageerada Imaaraadka Carabta

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Doha)-Amiirka dalkaQatar Sheekh Tamiim Bin Xmaad Al-thaani ayaa ku dhawaaqay inay Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan ku taageeri doonaan lacag dhan 73 million oo Riyaalka Qatar oo u dhiganta 20 Milyan oo doollarka Mareykanka

52708573_2112355482182252_64882040451933

Amiirka waxa uu Yaboohaasi kaga dhawaaqay Kulan uu Madaxweyne Farmaajo shalay galab kula yeeshay Qasriga Amiiri Diiwaani oo ku yaalla caasimadda dalkaasi ee Dooxa.

Amiirka Qatar iyo Madaxweyne Farmaajo waxay kaloo kulankooda kaga wada haleen Xoojinta Xidhiidhka Wax-wada-qabsi ee labada dal iyo qaababka loo horumarin karo inay iska kaashadaan qeybaha kala duwan ee Dhaqaalaha Horumarka, Amniga iyo Siyaasadda.

Kulankaasi waxaa kaloo dib loogu eegay Horumarka dalka Soomaaliya, taasi oo dhabaha u xaadhay inuu Amiirka Qatar taageero Dhaqaale ku bixiyo Miisaaniyadda dawladda Soomaaliya ee sannadkan 2019-ka.

Si kastaba ha ahaatee, waa safarkii 3-aad ee uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka Qatar tan iyo markii Xilka Madaxweynaha loo doortay bishii Feberaayo ee sannadkii 2017-kii.
Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed.


Xukuumadda Somaliland oo si weyn u taageerta Imaaraadka Carabta ayaa faro-madhan ka taagan taageeradeed.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this