Sign in to follow this  
Deeq A.

Siyaasi Laf Dhabar Ka Ahaa Xukuumaddii Marxuum Cigaal Oo Geeriyooday Iyo Madaxweyne Biix Oo Tacsiyadeeyey

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.

tacsi.jpg

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Marxuumku wuxuu Xukuumaddii ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Gaashaan-dhigga, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Hawlaha Guud.

ha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Yuusuf Caynab Muuse oo ku geeriyootay maanta oo ay taariikhdu tahay 27/02/2019, Magaalada Hargeysa.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku sifeeyey siyaasi iyo oday ka baxay qaranka Somaliland door muhiimana ka soo qaatay nabad kuwada noolaanshaha shacbiga Somaliland wada dega iyo dib u dhiskii dalka, xilal muhiima oo heer wasiir ahna qarankan ka soo qabtay.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo Siyaasiyiinta, madaxda dhaqanka, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

Marxuumku wuxuu Xukuumaddii ALLE ha u naxariistee Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal ka soo qabtay xilal Wasiirnimo oo kala ahaa Wasiirka Gaashaan-dhigga, Wasiirka Maaliyadda iyo Wasiirka Hawlaha Guud.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this