Sign in to follow this  
Deeq A.

Waa Maxay Ulajeedka Uu Madaxweyne Mustafe Cagjar u Aaday Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha Somali State ayaa safar aan lasii shaacin waxa uu ku yimid magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland.

Ulajeedka uu madaxweyne Mustafe Cagjar u yimid xalay Hargeysa ayaa waxaa lagu sheegay iney dhowr arrin tahay, waxaana ugu horreeya ka qeybgalka munaasabadda xarig jarka wadada isku xirta Berbera iyo Wajaale.

Sidoo kale, waxa uu si gaar ah maanta ula kulmi doonaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ay ka wadahadli doonaan xiriirka Labada dhinac iyo arrimo kale.

Madaxweynaha Somalil State ayaa sidoo kale booqan doona qaar ka mid ah magaalooyinka Somaliland.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this