Deeq A. Posted February 28, 2019 Qoryooleey (SMN)- Wararka ka imaanaya degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowlada Soomaaliya ay ku leeyihiin degmadaasi. Inta uu dagaalka socday dhinacyada ayaa isku adeegsaday nuucyada kala duwan ee hubka,waxaana jira qasaaro dhimasho iyo dhaawac ah oo dagaalkaasi ka dhashay. Saraakaal ka tirsan ciidanka dowlada Soomaaliya oo si hoose ula hadlay Idaacadda Shabelle ee Muqdisho ayaa xaqiijiyay jiritaanka weerarkaasi,isagoo intaaasi ku daray in weerarkaasi sadex askari uga dhaawacmeen. Sidoo kale sarkaalkan ayaa tilmaamay in dhinaca Al-shabaab hal dhimasho iyo sadex dhaawac ah uu ka soo gaaray weerarkii ka dhacay degmada Qoryooleey ee gobolka Shabeelada Hoose. Horaantii bishan ayey aheyd markii Al-shabaab weerar ay ku qaadeen degmada Qoryooleey ay ku dhaawacmeen gudoomiyihii degamadaasi,ku xigeenkiisii iyo xoghayahii degmadaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites