Deeq A. Posted February 28, 2019 Valletta (SMN)- Maxkamad ku taalla Jaziirada Malta ayaa xukun ku riday nin Soomaali ah oo lagu helay in uu isku dayay in uu dilo sarkaal ka tirsan booliiska Malt. Booliiska ayaa gacanta ku soo dhigay bishii December ee sanadkii tagay ninka Soomaaliga ee la xukumay oo lagu magacaabo cabdiqani Cumar Cabdullaahi,kaas oo ku dhawaaday in uu tooreey ku dilo sarkaal booliis ah ool lagu magacaabo Redeemer Abdel Ghany. Sarkaalka ayaa sheegay in ninka Soomaaliga uu sarqaansanaa xiliga uu falka dhacayay isla markaana si lama filaana uu xabadka uga gaarsiiyay dhaawacyo fudud. Saraakiil ka tirsan booliiska Malta oo lagu kala magacaabo Frank Portelli, Joseph Cini, Joseph Bajada iyo Mario Azzopardi ayaa maxkamada ka hor cadeeyay in ninka Soomaaliga uu si bareer ah isugu dayay in uu dilo sarkaalka booliiska ah. Qareenada difaacayay ninka Sooamaaliga ah ayaa ku andacooday in xiligaasi uu sarqaansanaa isla markaana uusan ula kac u sameynin falkaasi,laakiin maxkamada ayaa ugu danbeyn cabdiqani Cumar Cabdullaahi oo Soomaali ah ku xukuntay halsano oo xabsi ah iyo lacag ganaax ah oo dhan 2 kun oo Euro. View the full article Share this post Link to post Share on other sites