Deeq A. Posted February 28, 2019 Kismaayo (SMN)- Wararka aan ka heleyno magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada Hoose ayaa sheegaya in ciidamada maamulka Jubbaland ay dad shacab ku dileen qeybo kamid ah magaaladaasi. Dadka la dilay oo ahaa laba ruux oo xalay guryahooda ay kala bexeen ciidamada Jubbaland ayaa meydkooda laga helay xaafada Dalxiiska ee magaalada Kismaayo. Labada ruux ayaa waxaa kamid ahaa macalin dugsi aad looga garanayay Kismaayo oo magaciisa lagu soo koobay sheikh Jihaad. Qofka kale ee la dilay oo magaciisa lagu soo koobay Maxamed ayaa xalay hooygiisa xaafada Dalcada ee Kismaayo waxaa kala baxay ciidamada Jubbaland,waxaana meydka labadaasi ruux laga helay gudaha magaaladaasi. Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ka socda diyaar garoow xoogan oo ku aadan doorashada madaxweyne ee maamulka Jubbaland,waxaana magaaladaasi kusii qulqulaya musharixiin u taagan kursiga madaxtooyada Jubbaland. View the full article Share this post Link to post Share on other sites