Sign in to follow this  
Deeq A.

Taliska Booliiska Beledweyne Oo Soo Saaray Amarro Cusub

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (SMN)- Taliyaha Saldhiga booliska Degmada Beledweyne gaashanle Maxamed Macoow Xalane oo Warbaahinta lahadlayey ayaa uga digay dad uu sheegay in ay qashin ku shubaan wabiga in ay ka waan tooban Ficiladasi.

Gaashaanle Xalane ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin Wabigu in uu Noqdo meel wasaqeysan, halkii looga Faa’iidaysan lahaa siyaabo kale oo bulshada anfaceysa

Gaashanle Maxamed Macoow Xalane ayaa sheegay hada wixii ka danbeeya in talaabo laga qaadi doono dadka qashinka ku shuba wabiga gaar ahaan kuwa degan wabiga dhinacyadiisa.

Magalada Beledwyne ayaa waxaa dhexmara wabiga Shabelle oo Soomaaliya uga Yimaada dhinaca Itoobiya,waxaa inta badan dadka reer Beledweyne nolashooda ku tiirsan tahay wax soosaarka beeraha iyadoo aysan suurtagal noqoteen wabigaa la,aantiis tacabka Beerahaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this