Deeq A. Posted February 28, 2019 Beledweyne (SMN)- Taliyaha Saldhiga booliska Degmada Beledweyne gaashanle Maxamed Macoow Xalane oo Warbaahinta lahadlayey ayaa uga digay dad uu sheegay in ay qashin ku shubaan wabiga in ay ka waan tooban Ficiladasi. Gaashaanle Xalane ayaa tilmaamay in aan la aqbali karin Wabigu in uu Noqdo meel wasaqeysan, halkii looga Faa’iidaysan lahaa siyaabo kale oo bulshada anfaceysa Gaashanle Maxamed Macoow Xalane ayaa sheegay hada wixii ka danbeeya in talaabo laga qaadi doono dadka qashinka ku shuba wabiga gaar ahaan kuwa degan wabiga dhinacyadiisa. Magalada Beledwyne ayaa waxaa dhexmara wabiga Shabelle oo Soomaaliya uga Yimaada dhinaca Itoobiya,waxaa inta badan dadka reer Beledweyne nolashooda ku tiirsan tahay wax soosaarka beeraha iyadoo aysan suurtagal noqoteen wabigaa la,aantiis tacabka Beerahaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites