Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya Oo Warqado Been Abuur Ah U Gudbisay QM

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (SMN)- Xilli ay dowladda Kenya ku adkeysaneyso boobka bareerka oo ay ku  hunguriyeyneyso biyaha Soomaaliya iyo qeyraadka dalka ayaa waxaa wasiirka arimaha dibada Kenya Monica Juma ku hadaaqday in cadeymo muujinaya lahaanshaha badda Soomaaliyeed oo Kenya damaacineyso.

“Waxaan xubno katirsan  golaha amaanka Qaramada Midobay iyo gudiga nada iyo amaanka ee ururka Midawga Africa la wadaagnay cadeymaheena arrinta la iskuhayo si ay xaaladda il gaar ah ugu yeeshaan” ayey tiri wasiirka arimaha dibada ee dowladda Kenya ee duulaanka ku ah qeyraadka dhex ceegaaga badda ugu dheer qaarada ee Africa ee Soomaliya.

Sidokale waxa ay sheegtay in cadeymahaasi oo ah kuwo been abuur ah ay lawadaageen wakiiladda Ingiriiska ka iyo Faransiiska u qaabilsan xukuumadda Nairobi.

Dowladda federalka ee Soomaliya ayaa horay u beenisay hadal kasoo yeeray Kenya oo ku aadanaa in Soomaaliya ay shirkii London iibgeysay qeybo kamida badooda,waxaana dowlada Kenya loogu baaqay in ay ilaaliso darisnimada iyo xariirka labada wadan.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this