Deeq A. Posted February 28, 2019 Hargeysa (SMN)- Madaxweynaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xalay ku hoyday caasimada Somaliland ee Hargeysa,wuxuuna halkaasi kulamo kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi. U jedka uu Hargeysa u yimid madaxweyne Cagjar ayaa lagu sheegay in uu maanta ka qeyb gali doono dhagax dhiga wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Tog Wajaale. Wadadan oo dhex marta deegaanada labada maamul ayaa qorshaha dhismaheeda waxaa iska kaashanaya mas’uuliyiinta labada dhinac. Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu isbadal ku dhacay maamulka dhulka Soomaalida waxaa soo hagaagayay xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida. Dhawaan ayey aheyd markii labada madaxweyne ay isugu yimaadeen magaalada Wajaaleiyagoo xiligaasi kawada hadlay arimo ku saabsan sidii loo sii wanaajin lahaa arimaha ganacsiga iyo isdhexgalka labada bulsho. View the full article Share this post Link to post Share on other sites