Sign in to follow this  
Deeq A.

Muuse Biixi Iyo Mustafe Cagjar Oo Hargeysa Ku Kulmay

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (SMN)- Madaxweynaha dhulka Soomaalida ee Itoobiya ay maamusho mudane Mustafe Muxumed Cagjar ayaa xalay ku hoyday caasimada Somaliland ee Hargeysa,wuxuuna halkaasi kulamo kula yeeshay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

U jedka uu Hargeysa u yimid madaxweyne Cagjar ayaa lagu sheegay in uu maanta ka qeyb gali doono dhagax dhiga wadada isku xirta magaalooyinka Berbera iyo Tog Wajaale.

Wadadan oo dhex marta deegaanada labada maamul ayaa qorshaha dhismaheeda waxaa iska kaashanaya mas’uuliyiinta labada dhinac.

Tan iyo wixii ka danbeeyay markii uu isbadal ku dhacay maamulka dhulka Soomaalida waxaa soo hagaagayay xiriirka Somaliland iyo dowlad deegaanka Soomaalida.

Dhawaan ayey aheyd markii  labada madaxweyne ay isugu yimaadeen magaalada Wajaaleiyagoo xiligaasi kawada hadlay arimo ku saabsan sidii loo sii wanaajin lahaa arimaha ganacsiga iyo isdhexgalka labada bulsho.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this