Sign in to follow this  
Deeq A.

10 Sano kadib ciidamada AMISOM oo isaga baxay Kuliyadda Jaali Siyaad

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada online)-Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa maanta isaga baxay xarunta Jaale Siyaad  oo ku dhow wasaaradda Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya.

Ciidamo ka socda dowladda Burundi ayaa sideedii sano ee lasoo dhaafay ayaa deganaa xarunta Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho, waxaana ay halkaasi u aheyd saldhig.

Masuuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ka qeyb galay munaasabadda ka dhacday magaalada Muqdisho.

Taliska ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qorshaha looga baxayo xarumaha muhiim ah ee ku yaala magaalada Muqdisho oo ay deganaayeen AMISOM ayaa la sheegayaa inay qeyb ka tahay qorshaha bixitaanka AMISOM.

AMISOM ayaa horey kaga baxday garoonka kubadda cagta ee Stadium Muqdisho iyo xarumo kale, waxaana la qorsheynayaa ciidamada ku sugan xarumahaasi in la geeyo goobaha ay ka baxaan ciidamada Burundi.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka ayaa kaga mahadceliyay ciidamada Burundi dadaalkooda qeybta ka ah howlgalka AMISOM, waxaana uu sheegay inay tahay maanta maalin kale oo taariiqi ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo badan oo AMISOM loo qorsheynayo inay amaanka dalka ku wareejiyaan ciidamada xooga dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this