Sign in to follow this  
Deeq A.

Kenya oo gubtay Badeeco Ganacsi ahaan looga qaaday Soomaaliya oo la geeyay Gaarisa

Recommended Posts

Deeq A.   

Gaarisa (Caasimada Online)-Dowladda Kenya ayaa magaalada Gaarisa ku gubtay badeeco badan oo la sheegay inay ganacsato geeyeen magaalada Gaarisa, kadib markii lagu qabtay magaalada Gaarisa.

Badeecada lagu gubay magaalada Gaarisa ayaa hay’adda daqli ururinta Kenya waxay ku sheegtay inay gaareyso 9 Milyan oo lacagta Kenya, waxaana la sheegay in laga yaabo inay ka badato dhaqaalaha uu ku fadhiyay raashiinka.

Badeecadahan ayaa ka koobneyd 10 Tan oo Sokor ah, 587 Kartoon oo Caano Boore ah,Kartoono Saliid Caddeey ah oo aan tiradooda la sheegin iyo badeecado kale oo fara badan.

Guddoomiyaha degmada Gaarisa Meru Mwangi oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in badeecadaasi ay dhanka Soomaaliya ka gashay magaalada Gaarisa, isaga oo sheegay inay sharci daro tahay wax dhacay in la geeyo dalkaasi.

Sidoo kale wuxuu Mr Meru Mwangi sheegay in marnaba aysan aqbaleyn in ganacsi sharci daro ah la geeyo Gaarisa iyo deegaanada kale ee Kenya, wuxuuna cadeeyay inay gubi doonaan ganacsi walbaa oo si sharci daro ah lagu geeyo gudaha Kenya.

Mr Meru Mwangi, ayaa sheegay in hay’adda la socodka tayada badeecadaha ee Kenya oo baaris ku sameysay Badeecadahaasi ay ogaatay in ay dhaceen oo aysan u qalmin in uu Bani’aadamka adeegsado.

Waxaa uu intaas ku daray in Ganacsatada Gaarisa ee Canshuurta bixiya ay difaaci doonaan sidaga oo intaas raaciyay in kuwa dhinaca Soomaaliya ganacsiga ka keenaya ay yihiin kuwo ka baxsanaya Canshuurta Dowladda.

Caasimada Online
Xafiiska Kenya
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this