Sign in to follow this  
Deeq A.

Imaaraatka oo maanta hergelinaya qodob kamid ah Heshiiskii ay kula wareegeen Dekada Berbera

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in halkaasi xalay uu gaaray madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaaliya Mustafa Maxamuud Cagjar.

Safarka madaxweynaha deegaanka Soomaalida ayaa daba socda qorshe maanta lagu dhagax dhigayo wadada isku xirta magaalada Berbera iyo degmada Wajaale, taasi oo qeyb ka ah heshiiskii Imaaraatka uu kula waregay dekada magaalada Berbera.

Dhagax dhiga maanta waxaa ka qeyb galaya madax Ethiopia mataleysa, xubno ka socdo Imaaraatka carabta iyo masuuliyiinta maamulka Somaliland, sida ay sheegeen xubno ka tirsan maamulka SOmaliland,

Sida xogta aan ku heleyno mashruucaan waa qeyb ka mid ah dhaqaalaha ku baxaya bixinayaa Midowga Yurub, iyadoo Imaaraatka uu bixinayo dhaqaalaha kale, waxaana la sheegay in maanta la dhagax dhigayo.

Heshiiskaan sida dhaqsiyaha badan loogu dhisayo wadada isku xirta Wajaale iyo Berbera ayaa ka dambeeyay safar dhawaan uu Imaaraatka ku tagay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Somaliland ayaa dhawaan qodobo cusub hordhigtay Imaaraatka Carabta waxaana la sheegayaa in maamulka cusub ee madaxweyne Biixi inaysan ku qanacsaneyn qodobadii hore loogu saxiixay dekada Berbera.

Caasimada Online
Xafiiska Somaliland
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this