Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni Oo Digniin U Diray Ciidamada Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Garoowe (SMN)- Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdulaahi Deni ayaa faray dhamaan ciidamada amaanka ee maamulkiisa faraya in ay ilaalaiyaan nabad galyada guud ee deegaaanada maamulkaasi.

Madaxweyne Deni ayaa si gaar ah ula dardaaray ciidamada booliiska Puntlad,waxaana uu sheegay in looga baahanyahay ka hortaga falalka lidiga ku ah amaanka iyo derder galinta nabadgalyada.

Hadalkan ayaa madaxweyne Deni wuxuu ka sheegay taliska guud ee ciidanka booliiska Putland ee magaalada Garoowe,waxaana uu hadalkiisa kusoo aadayaa iyadoo maamulka puntland ay ka dhacaan falal amni darro,gaar ahaan gobolka Bari.

Saraakiisha amaanka maamulka Puntland ayaa xoojinaya amaanka deeganada maamulkaasi,xili qeybo badan oo kmaid ah gobolka Bari la sheegay in ay ku xooganyihiin dagaalyahano ka tirsan Daacish iyo Al-shabaab.’

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this