Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne bulshadaada u soo bandhig khudbad qodobaysan (Warbixin)

Recommended Posts

Deeq A.   

Tan iyo intii uu xilka hayay madaxweynaha jamuuriyadda Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi waxaa uu jeediyay khudbaddo aad ubadan oo dhinacyo baddan taabanaya ha u badnaadaan kudbaddo uu ku dhaleecaynayo, ugu hanjabayo ama uu kula garnaqsanyo dawalada federalka Somalia ee aynu jaarka nahay.

Markasta oo uu madaxweyne khudbadda jeedinayo waxaa meesha ka baxda inuu madaxweynuhu khudbadd qodobaysan ujeediyo bulshadda iyadoo qodobadaas uu soo diyaarinsanyo oo warqad ku soo qoranayo si aan khudbadii uga noqon kaftan,maddaalo ama waqti lumis. tusaale ahaan tariikhdu markaya ahayd 09/12/2018 Mar uu madxweynuhu booqday cisbitaalka guud ee magaalada hargiesa isagoo la hadlaya bulshadda haddalo uu goobtaa ka yidhi iska daa dadkii goobta jooge waxaa hadlkaa ku qoslay madxweynaha laftarkiisa oo hadlkaa yidhi taasina maaha haykala madaxweyne ama haykal dawladdnimo.

Mar madaxweynuhu khudbad uu ka jeedinyay fagaare ay iskugu soo urureen dadweyne aad ubaddan oo ku soo dhaweeyay magaalada Boorama waxa uu ka jeediyay khudbad ay ka cadhoodeen dadweynaha goboladda bariga oo kuu amaanyo goboladda galbeedka Somaliland isagoo madaxweynuhu labadaba uu isagu madaxweyne uyahay oo labadaba waa bari iyo galbeed bee laga soo doortay.

Hadaba markaynu usoo daadagno dulucda maqaalkeena waxaanu madxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ugu soo gudbinaynaa in marka uu khudbadd jeedinayo uu isticmaalo haykalaka madaxweynenimo isagoo soo qodobaysanya waxa uu bulshadda ujeedinayo si aan cidina udhibsan oo uu marka hore uga soo baaraan daggo.

W/Q: Cabdiraxiim Cabdilaahi Shine

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this