Sign in to follow this  
Deeq A.

Michael Rubin: Siyaasadda USA ee Afrika iskama ay dhego-tiri karto Somaliland�

Recommended Posts

Deeq A.   

Washington (Caasimada Online) – Khabiir Michael Rubin oo ah xeel-dheere Maraykan ah ayaa dawladda Dalkiisa ku guubaabiyey inay wax la qabato Jamhuuriyadda Somaliland oo uu ku tilmaamay mid ka mid ah meelaha ugu nabdoon Afrika isla markaana ay ka qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay.

Wakaallada Wararka Somaliland (SOLNA) ayaa soo xigatay warbixin dheer oo Michael Rubin kaga faallooday muhiimadda ay Somaliland u yeellan karto Maraykanka, taasi oo lagu daabacay Shabakadda  American Enterprise Institute.

Michael Rubin wuxuu qormadiisa ciwaan uga dhigay: “Siyaasadda Maraykanka ee ku wajahan Afrika  Iskama Dhego-tiri karto Somaliland” waxaanu sheegay inay Somaliland si weyn uga duwan tahay Soomaaliya , islamarkaana ay qabsoomeen doorashooyin lagu tartamay, dawladnimo shaqeynaysa.

Aqoonyahan Michael Rubin wuxuu tilmaamay inay la-dagaalanka Argagixisadda iyo dagaalka ka socda Yeman uu kor u qaadayo istaraatajiyadda iyo muhiimadda Somaliland.

Waxa kaloo uu intaas ku daray in Somaliland ay Miisaaniyaddeeda saddex meeloodoow meel geliso dhinaca Ammaanka ay hubka fudud soo iibsadaan, si ay ilaaliyaan ammaanka xeebta Somaliland oo dhererkeedu yahay 460 Mayl, waxaanu xusay inay ka hortagaan hubka sida sharci darrada ah uga imanaya dalka Yeman, waxaanu isweydiiyey sababta Xafiiska Arrimaha Dibadda  Maraykanku ay xafiis ugu yeelan weyday Somaliland.

Michael Rubin wuxuu sidoo kale sheegay in Maraykanku uu lacag badan ku bixiyeo Soomaaliya, oo uu dhaqaale badan iyo cuddud millatari la garab istaagay, hase yeeshee dowladda Soomaaliya aanay gaarin masaafo aan fogeyn, marka la eego dhulka ay maamusho.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this