Sign in to follow this  
Deeq A.

DF oo Kenya uga digtay in joojiso arrin Soomaalida ka dhan ah oo ay billowday

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dowladda Kenya kala hadashay inay joojiso beegsiga ay ku hayso shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed ee magaalada Nairobi, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online.

Arrintan ayaa timid kadib markii dowladda Kenya ay billowday cadaadis iyo si xun ula dhaqan ka dhan ah Soomaalida, kadib weerarkii Nairobi ee dhacay 15-kii Janaayo, oo ay sheegatay kooxda Al-Shabaab.

Soomaali badan oo aan wax xiriir ah la lahayn kooxda Al-Shabaab ayaa lagu warramayaa in sabab la’aan ama tuhunno aan lahayn wax caddeymo ah ay dowladda Kenya u xirtay.

Wada-hadal qadka taleefonka ku dhex-maray wasiirka amniga Kenya Fred Matiangi iyo wasiirka arrimaha dibedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, ayaa la sheegay in Matiangi uu ku sheegay in Kenya aysan marna dad u beegsan inay yihiin Soomaali, balse ay qaadeyso tallaabo amniga lagu sugayo.

Matiangi ayaa u xaqiijiyey Cawad in wax sharciga ka baxsan aysan qaadi doonin xukuumadda Nairobi.

Maalmihii dhowaa ayaa la sheegay in cadaadiska laga yeeray Soomaalida, hase yeeshe madaxweyne Farmaajo ayaa qorsheynayey inuu la hadlo madaxweyne Kenyatta haddii aysan wax is-beddelin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this