Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Baadiyow mise Faroole – Farmaajo iyo Kheyre oo isku haya cida matalaysa DF

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dadaallo socda oo la doonayo in dib loogu furo wada-hadallada Soomaaliya iyo Somaliland, iyo qodobo ay tahay in marka hore xal loo gaaro.

Dadaalladan ayaa waxaa wada ergeyga Turkiga ee wada-hadallada Olgan Bekar iyo wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Cabdullaahi Cumar, oo hadda ah agaasimaha Geeska Afrika ee hay’adda xalinta xasaradaha ee Center for Humanitarian Dialogue.

Hya’addan ayaa fadhigeedu yahay magaalada Geneva, waxaana maal-gelisa dowladda Switzerland.

Arrimaha ugu weyn ee hadda la doonayo in la xaliyo ayaa waxaa ka mid ah halka uu kulanka ka dhacayo. Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa door-bidaya dalka Sweden, sida ay Caasimada Online xogta ku heshay.

Dowladda Soomaaliya ayaa dhinaca kale rabta in wada-hadallada ay ka dhacaan dalalka deriska la ah Soomaaliya, gara ahaan Jabuuti.

Ka sokow qodobada ay isku hayaan Soomaaliya iyo Somaliland, waxaa sidoo kale jira in dowladda federaalka ah ay dhexdeeda isku hayso ciddda ay u direyso wada-hadalalda ee matalaysa.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre ayaa door-bidaya Dr. Cabdiraxmaan Baadiyow oo ka mid ah dadka ugu aqoonta badan Soomaaliya, iyo aas-aasayaashii ururuka Islaax ee Soomaaliya, halka madaxweyne Farmaajo uu doonayo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole, oo hadda ka tirsan Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Faroole ayaa la sheegay in haddii dowladda ay xulato ay ka careysiin karto Somaliland, maadaama uu horey u ahaa madaxweynaha maamulka Puntland oo colaad ay kala dhaxeyso Somaliland. 

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this