Deeq A. Posted February 27, 2019 Boosaaso (SMN) – Xildhibaan ka tirsanaa Baarlamaanka maamul goboleedka Puntland ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay inta u dhaxeysa magaalada Boosaaso iyo degaanka Waaciye ee gobolka Bari. Shilka uu ku geeryooday Mudanaha oo lagu magacaabayey Maxamed Faarax Mire ayaa yimid markii gaariga uu saarnaa uu dul-maray mid kale oo nooca xamuulka ah, sida ay ku waramayaa goobjoogayaal. Marxmuum Maxamed Faarax Mire oo kursiga Xildhibaanimo ku metalayey gobolka Bari ayaa kasoo baxay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, isaga oo kusoo wajahnaa degmada Waaciye. Waa Xildhibaankii ugu horeeyay oo ay geeri ku timaado ee kamid ah Gollaha Sharcidejinta cusub ee dowlad goboleedka Puntland, kuwaasi oo wadar ahaan ka kooban haatan 65 marka laga reebo Marxuum Mire. View the full article Share this post Link to post Share on other sites